Mbappe Mise Haaland? Goolhayaha Real Madrid Andriy Luninn Oo Doortay Xiddiga Ay Tahay In Ay Real Madrid U Dhaqaaqdo.

Goolhayaha Real Madrid Andriy Lunin, kooxdu waa inay kooxdu u dhaqaaqdo saxiixa Erling Haaland halkii ay u dhaqaaqi lahaayeen Kylian Mbappe.

Goolhayaha reer Ukriane ayaa hadalkan ka dhawaajiyay xilli uu waraysi siinayay  El Chiringuito TV Khamiistii.

Markii la weydiiyay inuu kala doorto Mbappe iyo Haaland, Lunin wuxuu yiri: “Lambarka 9 ahaan, [waxaan doortay] Erling Haaland.”

Goolhayaha ayaa lagu sii cadaadiyay hadii uu Mbappe uu ugu dambeyntii u saxiixi doono Real Madrid waxana uu yidhi””Kadib markii aan halkan joogay 4-5 sano oo dhan xanta, ma garanayo runtii,” Lunin ayaa ku jawaabay.

Mbappe ayaa Real Madrid lala xidhiidhinayay sanadihii ugu dambeeyay iyada oo sanad walba la sheego in uu ku biiri doono kooxda Real Madrid.

Heshiiska Mbappe ee PSG ayaa dhacaya dhamaadka xilli ciyaareedkan waxana la hubaa in uu isaga tagi doono kooxda ka ciyaarta caasimada France.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga