Xiddig U Ciyaara Coventry City Oo Ku Digtay Man United Ka Hor Kulanka Semi-Final-ka FA Cup-ka.

Xiddig ka tirsan kooxda Coventry City ayaa ku digtay kooxda Man United kadib isku aadki Semi-final-ka tartanka FA Cup-ka.

Coventry ayaa si cajiib ah isaga xaadirisay wareega Semi-Final-ka kadib markii ay garaaceen kooxda Wolves.

Abaalmarintooda waa kulanka Wembley ee ay la leeyihiin Man United, oo 4-3 ku garaacday Liverpool ciyaar aan caadi ahayn oo siddeed dhammaadka ah oo Axaddii ka dhacday Old Trafford.

Coventry ma aysan gaarin heerkan FA Cup-ka tan iyo markii ay ku guuleysatay tartanka 1987, markaasoo ay 3-2 ku garaacday Tottenham Hotspur ka dib waqtigii dheeriga ahaa.

Daafaca midig ee reer Holland ayaa ku digtay Man United  ka hor kulankooda bisha soo socota, isagoo qiray in isku aadku uu ahaa mid naxariis leh.

“Isku Aadku wuu fiican yahay”ayuu yidhi xiddiga 23 jirka ah.

“Hadii aad ku aadid man City, sida iska cad wax fursad ah ma haysatid, laakiin aniga oo Ixtiraamaya Man United oo ah kxoo weyn mararka qaar si fiican uma ciyaaraan sidaas darteed fursad ayaan haysataa”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga