WARBIXIN: 11- Xiddig Oo Laba Kooxood Oo Kala Duwan Kula Guulaystay Horyaalka Premier League.

Ku Guulaysiga premier League wax ka badan hal mar ayaa ah arin cajiib u ah xiddig kasta.

Kooxaha Man United, chelsea iyo Arsenal ayaa ku guulaystay horyaalka sanadihii ugu horeeyay ee tartanka halka ay Man City sanadihii ugu dambeeyay soo dab qaadatay.

Si kasta ha ahaatee in ay Liverpool sugtay ilaa 2020 si ay ugu guulaysato horyaalka premier league ayaa ah mid aan la isku halayn karin.

Waxa jira xiddigo yar oo nasiib u yeeshay in ay horyaalka premier League ku guulaystaan wax ka badan hal mar isla markaas kula guulaystay laba kooxood oo kala duwan.

Warbixintan waxa aan ku soo bandhigi doonaa xiddigaha laba koox oo kala duwan kula guulaystay tartanka premeir League.

1.N’Golo Kante (Leicester City & Chelsea):

Xiddigo badan ayaa xirfadooda oo dhan ku dhamaystay iyaga oo aan ku guulaysan horyaalka premier League Laakiin N’Golo Kante ayaa joogay England 3 sano waxana uu ku guulaystay koobka premier League 2 jeer.

Kante ayaa Leicester City ku soo biiray sanadkii 2015 wxana uu xilli ciyaareedkaas horyaalka kula guulaystay leicester ka hor inta uuna ku biirin chelsea isla markaas sanadkii xigay chelsea kula guulaysan horyaalka.

2.Riyad Mahrez (Leicester City & Manchester City):

Riyad Mahrez ayaa Leicester City kula guulaystay horyaalka premier League xilli ciyaareedkii 2015/2016 isaga door weyn ka ciyaaray arintaas.

Laakiin Mahrez ayaa mar kale helay bilada premier Legaue kadib markii uu xiddiga kooxda Man City kula guulaystay horyaalka premier League sanadkii 2019.

3.James Milner (Manchester City & Liverpool):

Milner ayaa kooxda Man City kula guulaystay 2 horyaal oo xidhiidhah ka hor intii uuna 6 sano kadib Liverpool ku hogaamin horyaalka sanadkii 2020.

4.Ashley Cole (Arsenal & Chelsea):

Xiddiga Ashley Cole ayaa kooxda Arsenal ku hogaamiyay taariikh kadib markii uu kooxda kula guulaystay horyaalkii ay ku qaatay Guuldaro la’aanta.

Laakiin xiddiga ayaa isaga tagay Arsenal isaga oo ku biiray chelsea halkaas oo uu kula guulaystay horyaalka premier League xilli ciyareedkii 2009/2010.

5.Carlos Tevez (Manchester United & Manchester City):

In ku guulaysiga horyaalka premier League oo aad kula guulaysato laba kooxood oo kaal duwan tahay arin aan marar badan dhicin hadana in aad horyaalka kula guulaysato kooxda ay xafiiltamaan kooxdaada waa arin gaar ah.

Teves ayaa kooxda Man United kula guulaystay ka hor inta uuna u talaabin jaarkooda Man City isla markaas kula guulaysan horyaalka premier League.

6.Henning Berg (Blackburn Rovers & Manchester United)

7.Kolo Toure (Arsenal & Manchester City)

8.Gael Clichy (Arsenal & Manchester City)

9.Nicolas Anelka (Arsenal & Chelsea)

10.Robert Huth (Chelsea & Leicester City)

11.Mark Schwarzer (Chelsea & Leicester City)

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga