Xiddig Muhiim U Ah Arsenal Oo Uu Shaki Ku Jiro Kulanka Liverpool

Arsenal ayaa tababar ku qaadatay garoonka Emirates galabnimadii sabtida ka hor kulanka weyn ee horyaalka Premier League oo ay maanta la ciyaari doonaan Liverpool.

Gunners ayaa hadda fadhisa kaalinta saddexaad ee kala sarreynta horyaalka Premier League, iyadoo shan dhibcood ka hooseysa kooxda Jurgen Klopp.

Mikel Arteta ayaa ogaan doona in kooxdiisu ay u baahan tahay inay badiso si ay ugu sii jirto tartanka horyaalka.

Si kastaba ha ahaatee Arsenal ayaa la kulantay dharbaaxo weyn ka hor kulanka ka dhici doona Emirates Sida ay sheegayaan wararka, Gabriel Jesus ayaa haatan shaki weyn laga muujinayaa inuu ciyaari karo kulankaan, inkastoo lagu sawiray tababarka.

Xiddiga reer Brazil ayaa si buuxda uga qayb qaatay tababarka kooxda koowaad ee Emirates Stadium, si kastaba ha ahaatee waxa uu wali la ildaran yahay xanuunka jilibka kaas oo ku dhawaaday in uu seego kulankii ugu dambeeyay ee ay Arsenal la ciyaartay Nottingham Forest.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga