Xavi Oo Kashifay Sirta Ka Dambaysa Dhaawacyada Soo Gaadhaya Kooxdiisa Xilli Ciyaareedkan.

Tababaraha kooxda Barcelona Xavi Hernandez ayaa shaaca ka qaaday sirta ka dambeysa dhaawacyada is daba jooga ah ee soo gaaray Barcelona xilli ciyaareedkan iyada oo Ferran Tores ahaa xiddigii ugu dambeeyay ee ka dhaawacmay kooxda.

Ciyaaryahanka garabka ka ciyaara ee reer Spain ayaa dhaawac ka soo gaaray horaantii ciyaartii Barca ay la ciyaartay Osasuna, fiidnimadii Arbacada, garoonka Montjuïc, ciyaar ka dhacday gobolka Catalonia kulamadii 20-aad ee horyaalka Spain.

Xavi oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”“Dhaawaca Feran Torres waa ceeb, kaliya hal kulan ayuu nastay dhawaan, si joogto ah ayuu uga qeyb qaadanayay kulamada waxana uu ciyaaray daqiiqado badan”.

Tababaraha ayaa sharaxay, “Dhaawacyo ayaa nagu dhacay sababtoo ah jadwalka mashquulka ah ee ciyaaraha, waxaan ciyaarnay 9 kulan 28 maalmood gudahood, waxaanan socdaalnay masaafo aad u dheer intii lagu jiray bishii January”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga