XASAASI: Jose Mouinho Oo Doonaya In Uu Ku SOo Laabto Man United, Sabab.

Tababare Jose Mourinho ayaa doonaya in uu si lama filaan ah ugu soo laabto inkasta oo ay arintaas adagtahay sida laga soo xigtay Mailonline.

Ilo wareed ku dhaw Jose Mourinho oo dhawaan laga caydhiyay shaqada AS Roma ayaa sheegay in uu Tababaruhu rumaysan yahay in ay wali u dhimantahay shaqo Old Trafford.

Mourinho ayaa sidoo kale lagu soo waramayaa in uu diyaar u yahay in uu la shaqeeyo maamulka cusub ee uu hogaaminayo Sir Jim Ratcliffe oo iibsadya saami kooxda ah.

“Hamigiisu waa in uu ku soo laabto United”ayuu sharaxay saaxiib ku dhaw Mourinho.

“Waxa uu dareenyahay in ay wali shaqo uga dhimantahay Man United isla markaas uu doonayo in uu ku soo laabto Old Trafford”

Mourinho ayaa bilaa koox ah tan ilaa markii laga caydhiyay shaqada AS Roma xilli ciyaareedkan kadib markii ay kooxdu si weyn u dhibaatootay.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga