Pochettino: Liverpool Way U Qalantay In Ay Badiso, Halkan Arin Ayaana Sabab U Ah.

Tababaraha kooxda chelsea ee Mauricio Pochettino ayaa qiray in Liverpool ay u qalantay in ay gaadho guushii weynayd ee ay ka gaadhay kooxdiisa kulankii ka dhacay Anfield ee ka tirsanaa premier League.

Afarta gool ee Reds waxaa u kala dhaliyay Diogo Jota, Connor Bradley, Dominic Soboslai iyo Luis Diaz, halka goolka qura ee Blues uu u saxiixay Christopher Nkunku.

“Waxan u malaynayaa in ay Liverpool naga fiicnayd, Liverpool waxa ay u qalantay in ay hesho 3-da dhibcood”ayuu Pochettino ku bilaabay.

Waxa uu sii raaciyay: “Waxaad u baahan tahay xoogaa nasiib ah mararka qaarkoo, waxa ay ahayd in rikoodhe naloo dhigo kadib khaladkii lagu galay Connor Gallagher 7 daqiiqo ka dib, waxaan u maleynayaa inay naga caawin laheyd inaan dhisno kalsoonidayada waxayna naga caawin laheyd inaan si fiican u ciyaarno”.

Tababaraha Blues ayaa hadalkiisa sii raaciyay: “Liverpool si fiican ayay u shaqeysaa, waana mid ka mid ah kooxihii ugu fiicnaa sanadihii ugu dambeeyay, waxaana lagu gartaa joogteynta, marka aad la kulanto koox awoodahaan leh, waa inaad heysataa waxyaabo ku caawinaya laakiin wax walba way naga soo hor jeedeen kulankan”ayuu sii raaciyay.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga