Xasaasi: Xiddig Muhiim Ah Oo Ka Maqan Liiska Kooxda We Kulanka Arsenal

Dominik Szoboszlai ayaa ka maqan kooxda Liverpool ee kulanka Arsenal.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Liverpool Dominik Szoboszlai ayaa la filayaa inuu ka maqan yahay kooxda Reds kulanka Premier League ee ay la ciyaarayaan Arsenal axada.

 

Wiilasha Jurgen Klopp ayaa Emirates yimi iyaga oo ujeedkoodu yahay in ay sii ilaashadaan ama ay sii dheeraystaan hogaanka shanta dhibcood ee ay Gunners kaga hayaan hogaanka kala saraynta.

Szoboszlai ayaa Muhiim ka ah kooxda klopp xilli ciyaareedkan waxana uu Soo bandhigay qaab ciyaareed fiican.

Xiddiga reer Hungry ayaa la badalay daqiiqadii 69-aad kulankii Chelsea ee bartamihii Todobaadka mana jirin wax dhaawac ah oo la sheegay In ay soo gaadheen Xiddiga.

Sidaas darteed aad ayaa loo filayay in uu Szoboszlai ku bilowdo Shaxda Liverpool.

Si kasta ha ahaatee sida Laga Soo xigtay Anfield Talk Xiddiga ayaa ka maqan liiska Xiddigaha Liverpool ee Kulanka.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga