Florian Wirtz ayaa ka hadlay magacaabista Jürgen Klopp ee tababaraha cusub ee xulka qaranka Jarmalka, isagoo muujiyay farxad weyn.
Wirtz ayaa yiri: “Waa arrin aad u wanaagsan in Klopp uu hadda halkaas joogo (Germany).”
Wuxuu intaas ku daray: “Weli si toos ah ulama hadlin, laakiin dad badan oo halkan kooxda jooga ayaa iiga sheekeeyay. Waxay yiraahdeen waa nin cajiib ah oo dabeecad wanaagsan leh.”
Ugu dambeyn, Wirtz ayaa sheegay inuu si weyn u sugayo la kulanka Klopp:
“Qof walba oo Liverpool jooga wuu jecel yahay isaga. Sidaas darteed aad ayaan ugu faraxsanahay oo aan u xiiseynayaa inaan la kulmo dhowr bilood gudahood.”
Be the first to comment