HARDAN ADAG:- Laacibkii Chelsea oo si lamafilaan ah uga tagaya kooxda Blues kuna biiraya …..

Kooxda Paris Saint-Germain (PSG) ayaa si lama filaan ah u billowday dadaal ay ku doonayso saxiixa daafaca midig ee Chelsea, Malo Gusto, iyadoo kooxda Faransiiska ay u aragto xiddiga 23-jirka ah inuu yahay ciyaaryahan sare oo tartan adag siin kara Achraf Hakimi.

Wararka ayaa sheegaya in tababaraha PSG Luis Enrique uu oggolaaday in kooxda ay isku daydo saxiixa Gusto, maadaama uu doonayo inuu xoojiyo dhinaca midig ee difaaca kahor xilli ciyaareedka cusub.

Si kastaba ha ahaatee, Chelsea diyaar uma aha inay si fudud u fasaxdo xiddigeeda. Blues ayaa ku xirtay qiimo dhan £75 milyan, taasoo PSG ku qasbeysa inay si taxaddar leh u qiimeyso haddii ay bixin karto lacagtaas.

Gusto Oo Booskiisa Ku Adkaaday Chelsea

Fursadaha Malo Gusto ee safka koowaad ayaa yaraaday kadib markii Chelsea ay xagaagan lasoo saxiixatay daafaca reer Talyaani Marco Palestra oo uga yimid Atalanta heshiis lagu sheegay £43 milyan.

Chelsea ayaa sidoo kale wajahaysa cadaadis dhinaca xeerarka Financial Fair Play (FFP), waxaana la filayaa inay iibiso qaar ka mid ah ciyaartoydeeda kahor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga