MURUGO & ILMADII OO DHAMAATAY:- Zalatan oo soo bandhigay Maalintii uu ooynayey ila indhihiisa qalalaan …

Zlatan Ibrahimović ayaa si qiiro leh uga hadlay geerida wakiilkiisii hore ee Mino Raiola, isagoo sheegay in xanuunkaas uu ahaa kii ugu adkaa ee noloshiisa.

“Markii ugu dambeysay ee aan si dhab ah u ooyo waxay ahayd markii aan waayay Mino Raiola. Waxaan ooyay ilaa ay ilmadii iga dhammaatay.”

Zlatan ayaa sidoo kale xusay in inkastoo waqti badan uu ka soo wareegay geeridiisa, haddana mararka qaar xusuustiisu ay si lama filaan ah maskaxdiisa ugu soo dhacdo.

“Mararka qaar xusuustiisu way igu soo noqotaa. Haddii aan hal fariin oo ugu dambeysa u diri lahaa, waxaan ku oran lahaa: ‘Waan kuu xiisay.'”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga