WARBIXIN: 3 Meel Oo Ay Ku Kala Badin Karaan Kooxaha Arsenal & Man City Kulankooda Maanta.

Kulanka ugu xiisaha badan premier League todobaadkan ayaa dhici doona iyada oo ay kooxaha Man City iyo Arsenal isaga hor iman doonaan kulan premier League.

Labada kooxood ayaa ku dagaalamaya kooxdii hogaanka u qaban lahayd horyaalka kulanka ka dhici doona Etihad.

Hadaba warbixintan waxa aan ku soo bandhigi doonaa meelaha lagu kala badin karo kulanka maanta.

Phil Foden vs Jakub Kiwior:

Foden ayaa ah xiddiga ugu fiican kooxda Man City kulamadii ugu dambeeyay isaga oo qaab ciyaareedkiisa ku helay amaanta tababare Guardiola.

Xiddiga reer England ayaa ka hor iman doona Jakub Kiwior kaas oo la filayo in uu ka ciyaaro daafaca kadib qaab ciyaareed fiican oo uu soo bandhigay.

Xiddiga Foden ayaa ah xiddig orod badan waxana uu dhaawici karaa kooxda Arsenal mar walba oo uu fursad fiican helo.

Kiwior ayay u taalaa shaqo adag hadii uu doonayo in ay kooxdiisu ilaashato shabaqeeda maadama Foden halis weyn ku yahay Gunners.

Rodri vs Declan Rice:

Waxa la odhan karaa waa labada xiddig ee ugu fiican booskooda xilli ciyaareedkan kaliya ma ahan horyaalka Premier League laakiin horyaalada yurub oo dhan.

Rice ayaa fure u ah kooxda Arsenal waxana uu kooxdiisa ka caawiyay in ay si fiican ugu tartanto isaga oo qaab ciyaareedkiisa ku mutaystay in si weyn loo hadal hayo.

Waxa uu ka hor iman doonaa xiddiga Rodri oo lagu qiimeeyo xiddiga ugu fiican adduunka waxana uu laf dhabar u yahay kooxda Pep Guardiola.

Midkooda ku gacan sareeya khadka dhexe ayaa shaki la’aan maamuli doona kulanka isla markaas kooxdooda ka caawin doona in ay natiijo kala baxdo kulanka.

Gabriel Martinelli vs Manuel Akanji:

Waa iska hor imaad kale oo xiiso leh, Gabriel Martinelli ayaa ku jira qaab ciyaareed cajiib ah isaga oo dhaliyay 6 gool 7 kulan ka hor intii uuna dhaawacmin.

Xiddiga reer Brazil ayuu shaki ku jiraa waxana uu ka hor iman doonaa daafaca Akanji hadii uu taam u noqdo kulanka.

Martinelli ayaa xilli ciyaareedkan marar badan muujiyay in uu yahay xiddigaha ugu fiican kooxda Arsenal.

Akanji ayaa u baahan in uu ku jiro qaab ciyaareedkiisii ugu fiicnaa hadii uu doonayo in uu goolka kooxdiisa ka ilaaliyo xiddiga reer Brazil.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga