Qiimaha Shaxda Arsenal Iyo Man City Ka Hor Kulankooda Oo La Soo Saaray.

Kooxaha Arsenal iyo Man City ayaa wada ciyaari doona kulan ka tirsan horyaalka.

Kahor kulanka miisaanka culus Wargayska SunSport ayaa eegtey qiimaha ay ku kala fadhiyaan shaxda ay labada kooxood isaga hor iman doonaan kulanka.

Waxa shaxda lagu soo daray kaliya xiddigaha taamka u ah in ay ku bilowdaan kulanka premier league ee ay labada kooxood isaga hor iman doonaan.

Man City ayaa inta badan lagu eedeeyaa in ay lacag badan suuqa galisay isla markaas haysato shaxda ugu fiican premier League dhinaca dhaqaalaha la galiyay.

Laakiin Arinta la yaabka leh ayaa ah in shaxda Pep Guardiola ay ka qiimo jabantahay shaxda Mikel Arteta la filayo in uu ku soo galo kulanka.

Marka la eego shaxdii ugu dambaysay ee ay Man City ku ciyaartay kualnkii Liverpool waxa lagu qiimeeyay 413.4 milyan euro.

Si kasta ha ahaatee maqnaanshaha Goolhayaha 1-aad ee Ederson oo lagu qiimeeyo (34.9 milyan) ayaa ka maqan shaxda kulanka Arsenal waxana booskiisa ka ciyaaraya Stefan Ortega oo lacag la’aan ugu soo biiray kooxda.

Arintaas ayaa qiimaha shaxda Man City ku soo celinaysa 378.5 milyan euro marka la eego in uu sidoo kale xiddiga Jack Grealish oo 100 milyan lagu soo iibsaday dhaawac ku seegi doono.

Arsenal ayaa la filayaa in ay ku soo gasho shax ka badan 12.5 milyan eueo Man City kulanka.

Kooxda Mikel Arteta ayaa la filayaa in uu kulanka ku soo galo shax lagu qiimeeyo 39 milayn euro oo uu hogaaminayo xiddiga 105 milyan ee ay kala soo wareegeen West Ham ee Declan Rice.

Sidoo kale waxa ku jira xiddiga Kai Havertz oo lagu qiimeeyo lacag dhan 65 milyan oo euro.

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga