Shaxda Ugu Fiican Ilaa Haatan Horyaalka La Liga Xilli Ciyaareedkan Oo La Soo Saaray.

Horyaalka La Liga ayaa ku sii dhawaanaya in uu dhamaado iyada oo 10 kulan oo kaliya ka dhimantahay dhamaadka xilli ciyaareedkan 2020/2021.

Horyaalka La Liga ayaa dib u furmay kadib markii bilowgii xilli ciyaareedka u muuqatay in ay Atletico Madrid si fudud ugu guulaysan doonto horyaalka xilli ciyaareedkan.

Xilli ciyaareedkan waxa jira xiddigo badan oo qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay ilaa haatan xilli ciyaareedkan horyaalka La Liga kuwaas oo kooxohooda caawiyay.

Khabiirka La Liga ee Andy West ayaa soo xushay shaxdiisa ugu fiican ee ilaa haatan xilli ciyaareedka horyaalka La Liga xilli dhamaad ku dhawyahay xilli ciyaareedku.

Hogaamiyayaasha Horyaalka La Liga ee Atletico Madrid ayaa shaxda ku leh xiddigaha ugu badan iyaga oo ku leh 5 xiddig shaxda Andy West ee ilaa haatan ugu fiican xilli ciyaareedka.

Kooxaha Villareal, Cadiz, Real Madrid, Real Sociedad, Barcelona Iyo Celta Vigo ayaa dhankooda min hal xiddig u leh shaxda ugu fiican ilaa haatan xilli ciyaareedkan.

Sii Akhriso: Kalmado La Mid Ah “Waan Ku Jecelahay” Laakiin Ka Fiican, Kana Qoto Dheer, U Isticmaal Qofka Aad Jeceshahay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*