WARBIXIN: 10 Xiddig Oo Champions League Kula Guulaystay 2 Kooxood.

Kaliya 24 ciyaartoy ayaa nasiib u yeeshay in ay tartanka champions League kula guulaystaan kooxo badan waxana ka mid ah xiddigo badan oo waaweyn.

Inaad ku guulaysato tartanka hal mar waxay noqonaysaa meesha ugu saraysa ee inta badan xirfada kubbada cagta, laakiin in aad ku guulaysato marar badan waa wax ay sameeyeen xiddigo aad u kooban.

Warbixintan waxa aan ku soo bandhigi doonaa 10-ka xiddig ee ugu waaweyn ee tartanka kula guulaystay kooxo kala duwan.

1.Toni Kroos – Bayern Munich (2013), Real Madrid (2016, 2017, 2018, 2022)

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Jarmalka ayaa door muhiim ah ka ciyaaray seddexleydii Bayern ee 2012-13, waxaana uu baaqi ku sii ahaa kooxda intii lagu jiray xilli ciyaareedkii ugu horeeyay ee Pep Guardiola, markaasoo 5/0 ku garaaceen Real Madrid isku darka labada lugood semi-finalka.

Kadib wuxuu ku guuleystay koobkii adduunka wuxuuna ku biiray Los Blancos, isagoo ku guuleystay afar jeer Champions League sideed sano gudahood.

2.Cristiano Ronaldo – Manchester United (2008), Real Madrid (2014, 2016, 2017, 2018)

Ronaldo ayaa ku dhameystay gooldhaliyaha ugu sareeya tartanka shantii xilli ciyaareed ee uu qaaday koobka, markii ugu horaysay waxa uu kula guulaystay Man United kadib waxa uu 4 jeer kula guulaystay Real Madrid.

3.Mateo Kovacic – Real Madrid (2016, 2017, 2018), Chelsea (2021):

Xiddiga reer Croatia ayaa xiddig muhiim kaydka ah u ahaa Real Madrid 3 sano oo ay Real Madrid ku guulaystay champions League ka hor inta uuna chelsea kula guulaystay tartanka sanadkii 2021.

4.Gerard Pique – Manchester United (2008), Barcelona (2009, 2011, 2015)

Daafaca reer Catalan ayaa seddex kulan u saftay United guushoodii 2007-08, laakiin kuma jirin kooxdooda finalka. Pique ayaa door aad muhiim ugu ah u ciyaaray naadigiisii ​​caruurnimo.

5.Clarence Seedorf – Ajax (1995), Real Madrid (1998), AC Milan (2003, 2007)

Wali ciyaaryahanka kaliya ee champions League kula guulaystay 3 kooxood oo kala duwan.

6.David Alaba – Bayern Munich (2013, 2020), Real Madrid (2022)

7.Samuel Eto’o – Barcelona (2006, 2009), Inter (2010)

8.Daniel Sturridge – Chelsea (2012), Liverpool (2019)

9.Thiago Alcantara – Barcelona (2011), Bayern Munich (2020)

10.Xabi Alonso – Liverpool (2005), Real Madrid (2014)

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga