WARBIXIN: 25 Xul Ee Ugu Qiimaha Badan Kubada Cagta Adduunka Oo La Soo Saaray.

Kubada cagta dhinaca xulalka ayaan inta badan si weyn loo hadal hayn maadama aaan si joogto ah loo ciyaarin kulamada caalamiga ah sabab la xidhiidha horyaalada yurub.

Laakin xulalka ayaa ku hubaysan xiddigo badan oo tayo leh sanadihii ugu dambeeyay.

England, France iyo Portugal ayaa dhamaantood xulal lagu qiimeeyo wax ka badan hal bilyan oo euro, Kaliya afar naadi (Manchester City, Arsenal, Real Madrid iyo PSG) ayaa gaadhi kara qiimahaas.

Inkasta oo aan la yaab ahayn in lagu arko Brazil, Argentina iyo Spain oo ku jira 10ka sare, waxaa jira waxyaabo la yaab leh oo ka sii hooseeya liiska.

Norway, oo ay kor u qaadeen Erling Haaland iyo Martin Odegaard, ayaa ku jira kaalinta 11aad inkastoo aysan u soo bixin tartan caalami ah tan iyo Euro 2000.

Dalka ugu sareeya ee aan Yurub ahayn ama Koonfurta Ameerika waa AFCON oo ku soo baxay kaalinta labaad ee Nigeria, iyadoo Victor Osimhen uu kor u qaaday qiimohooda.

Sidoo kale waxaa la yaab leh inay sare u kacaan Sweden iyo Turkiga inkasta oo xulka Sweden ku fashilmay in uu u soo boxo euro 2024 Laakiin waxa ay leeyihiin tayo ay qiimohooda kor ugu qaadi karaan halka uu Turkey ka faa’iiday horyaalkooda oo lacag ku faanaya.

Maraykanku waa kooxda 23-aad ee ugu qiimaha badan, laga yaabee inay muujinayaan koox si fiican u taagan iyadoo aysan jirin ciyaartoy heer caalami ah oo dhab ah.

Waxa ka maqan xulalka magaca ku leh kubada cagta ee Colombia, Mexico, Ghana, Poland, South Korea ama Switzerland kuwaas oo aan ku jirin liiska.

  1. England – €1.38billion
  2. France – €1.24billion
  3. Portugal – €1.02billion
  4. Brazil – €909.1million
  5. Spain – €853.5million
  6. Argentina – €782.7million
  7. Italy – €757million
  8. Netherlands – €692.5million
  9. Germany – €656million
  10. Belgium – €533.8million
  11. Norway – €450.7million
  12. Uruguay – €408.2million
  13. Denmark – €344million
  14. Nigeria – €343.5million
  15. Ukraine – €341.5million
  16. Sweden – €325.3million
  17. Turkey – €312.9million
  18. Japan – €310.4million
  19. Ivory Coast – €305.6million
  20. United States – €302.5million
  21. Morocco – €297.4million
  22. Serbia – €290.6million
  23. Croatia – €289.2million
  24. Austria – €270.8million
  25. Senegal – €269.4million

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga