DEG-DEG: Man United Oo Shadaqa Ka Caydhinaysa Erik Ten Hag, Xitaa Hadii Uu FA Cup Ku Guulaysto Hadii…..

Milkiilaha Man United ee Sir Jim Ratcliffe ayaa qarka u saaran inuu shaqada ka ceyriyo Erik ten Hag xittaa haddii uu ku guuleysto FA Cup oo uu u soo baxo Champions League.

Milkiilaha Manchester United ayaa doonaya in uu badalkiisa u magacaabo tababaraha xulka qaranka England ee Gareth Southgate.

Ten Hag ayaa ku dhow dhamaadka xilli ciyaareedkiisii 2-aad ee Old Trafford United ayaana weli hoos u dhac ku yimid wixii laga filayey. Kaliya haddii ay ku guuleystaan ​​FA Cup waxay u horseedi kartaa inay badbaadiyaan xilli ciyaareedkooda laakiin waxa la filayaa in ay Final-ka la ciyaaraan kooxda Man City.

Horyaalka Premier League, United ayaa lix dhibcood ka hooseysa kaalinta shanaad ee la filayo in loogu soo boxo champions League xilli ciyaareedka dambe.

Sida laga soo xigtay The Daily Star, Ten Hag ayaa wajahaya in shaqada laga caydhiyo xitaa hadii uu kooxda u soo saaro champions League sidoo kale ku hogaamiyo FA Cup-ka.

Sir Jim Ratcliffe ayaa taageere weyn u ah tababaraha xulka England ee Southgate kaas oo uu u arko badalka ugu macquulsan ee kooxda horay u wadi kara.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga