War Xun: Liverpool Oo War Xun Ka Heshay Kulanka Brentford Ee Premier League.

Liverpool ayaa war xun ka heshay kulanka Brentford ee horyaalka premier Legaue.

Reds ayaa dhaawac ku wayday laba xiddig oo muhiim ah kulanka haatan socda ee lagu jiro qaybta nasashada.

Kooxda Klopp ayaa dhaawac ku wayday laba xiddig oo qaab ciyaareed fiican ku jira kulamadii ugu dambeeyay.

Ugu horayn xiddiga Curtis Jones ayaa dhaawac uga baxay ciyaarta iyada oo lagu badalay Gravenbech kadib markii uu dhaawac soo gaadhay.

Kadib daqiiqado kadib waxa dhaawac u muuqday mid halis ku baxay xiddiga Diogo Jota kaas oo qaab ciyaareed cajiib ah ku jiray xilli ciyaareedkan.

Labada xiddig ayaa haatan la filayaa in ay seegeen kulanka todobaadka dambe ee final-ka tartanka Carabao cup-ka ay la ciyaari doonaan Chelsea.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga