Lewandowski Oo Qiimeeyay Fursadaha Kooxdiisa Ee Ku Guulaysiga Koob Xilli Ciyaareedkan

Xiddiga weerarka uga ciyaara Barcelona ee Lewandowski ayaa sheegay in ay kooxdiisu ku guulaysan doonto koob xilli ciyaareedkan.

Barcelona ayaa u muuqata kuwo ka baxay tartanka Horyaalka La Liga marka la eego in ay 10 dhibcood ka hoosayso kooxda Real Madrid.

Laakiin Barcelona ayaa wali fursad u haysata ku guulaysiga champions League marka la eego in ay ku jirto tartanka..

Barcelona ayaa la ciyaari kooxda Napoli kulan ka tirsan wareega 16-ka tartanka champions League xilli ciyaareedkan.

Si kasta ha ahaatee Lewandowski ayaa ku kalsoon in ay kooxdiisu ugu yaraan hal koob ku guulaysan doonto xilli ciyaareedkan.

“Deganaansho iyo kalsooni, waxaan hubaa inaan badino kulamo badan, dhamaadka xilli ciyaareedka, waxaan dooneynaa inaan wax ku guuleysano” Robert Lewandowski ayaa u sheegay warbaahinta.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga