Arsenal Oo Loo Sheegay Laba Xiddig Oo Ay IIbiso Si Ay Ula Soo Saxiixato Kylian Mbappe

Darren Bent ayaa si cajiib ah u sheegay in Arsenal ay tahay inay ka fiirsato inay iska iibiso xiddigaha Bukayo Saka iyo Gabriel Jesus si ay saxiixa Mbappe ugu garaacdo Real Madrid.

Weeraryahanka Paris Saint-Germain ayaa heegan sare galiyay kooxaha ugu sareeya Yurub markii la xaqiijiyay in uu isaga tagi doono kooxda PSG marka uu dhoco heshiiskiisa kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Real Madrid ayaa loo saadaalinayaa in ay tahay kooxda ugu cad-cad hadana waxa jira warar sheegaya in ay Arsenal joogto boos ay ku soo jiidanayso xiddiga.

Bent ayaa sheegay in ay Arsenal iska iibiso xiddigaha Saka iyo Jesus si ay uia soo saxiixato xiddiga Mbappe.

“Arsenal waa in ay iska iibiso Saka iyo Odegaard, ama Gabriel Jesus iyo Saka ama Odegaard iyo Jesus”ayuu Bent u sheegay Talka Sport.

“Saka waa xiddig ka soo baxay Akademiyada laakiin waxa aad ka hadlaysaa weeraryahanka ugu fiican sidoo kale ah xiddig da’yar ah”.

“Waxa aad helaysa weeraryahan bur-burinaya kooxaha kale isla markaas goolal kuu dhalinaya kaan ciyaari kara boosas badan”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga