Toni Kroos Oo Ka Hadlay Murankii Laga Diiday RB Leipzig Kulankii Real Ee Champions League.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Real Madrid Toni Kroos ayaa ka hadlay murankii ka dhashay goolkii ay Leipzig ka dhalisay kooxdiisa, shalay kulankii champions League ee ka dhacay garoonka Red Bull Arena, lugta hore ee wareega 16-ka champions League.

Ciyaaryahanka kooxda Leipzig ee Benjamin Sisko ayaa daqiiqadii 2-aad ee ciyaarta gool u dhaliyay kooxda Jarmalka,laakin garsooraha ciyaarta ayaa ku tilmaamay mid offside ah,ka dib markii uu dib ugu soo laabtay VAR waxana go’aankaasi uu dhaliyay muran badan.

Kroos ayaa sheegay in Goolka kooxda RB Leipzig ahaa mid sax ah oo ay ahayd khalad in la diido.

Kroos ayaa ku yiri hadal uu siiyay barnaamijka “Prime Video” ee Jarmalka: “Goolku waa sax ra’yigeyga… Waxaan qabaa in isaga (garsooraha) uu seeriga ku afuufay offside, sababtoo ah ciyaaryahanka Leipzig ayaa xannibay wadadii goolhaye Lunin.”

Waxa uu hadalkiisa raaciyay: “Laakiin goolhayuhu Muu gaadhayn kubad sidaad arteed goolku waxa u ahaa mid sax ah”.

Real Madrid ayaa 1-0 ku garaacday Leipzig ka hor kulanka lugta 2-aad ee dhici doona 6-da bisha March.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga