CAF Oo Soo Saartay Shaxda Ugu Fiican Koobkii Africa Oo La Soo Saaray.

Xidhiidhka kubada cagta Africa ee CAF ayaa soo saaray shaxda ugu fiican tartanka koobkii Africa ee la soo gaba-gabeeyay.

Waxa todobaadkna la soo afjaray tartanka koobka Africa oo la ciyaarayay muddo bil ah.

Xulka Ivory Coast ayaa ku guulaystay tartanka waxana ay ka qaadeen xulka qaranka Nigeria.

Xulalkii isaga hor yimid Final-ka tartanka ee Nigeria iyo Ivory Coast ayaa shaxda ku leh xiddigaha ugu badan iyaga oo ku leh min 3 xiddig.

Xulalka South Africa iyo DR Congo ayaa shaxda ku leh min 2 xiddig waana labadii xul ee ku kala dhamaystay kaalinta 3-aad iyo 4-aad.

Waxa hal xiddig ku leh xulka Equatorial Guinea kuwaas oo wacdaro lama filaan ah ka dhigay tartanka koobka Africa.

Image

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga