Thomas Partey Oo Ka Huleelaya Arsenal Dhamaadka Xilli Ciyaareedkan

Arsenal ayaa lagu soo waramayaa inay diyaar u tahay inay iska iibiso ciyaaryahanka khadka dhexe ee Thomas Partey dhamaadka xilli ciyaareedka 2023-24.

 

30 jirkaan ayaa Gunners uga soo wareegay kooxda La Liga ka dhisan ee Atletico Madrid bishii October 2020 adduun dhan £45m, isagoo 104 jeer ka soo ciyaaray England tan iyo markaas.

Partey ayaa xilli ciyaareedkan ku dhibaatoonaya in uu ciyaaro kulamo sabab la xidhiidha dhaawacyo.

Xiddiga reer Gahana ayaa ciyaaray kaliya 4 kulan horyaalka premier league xilli ciyaareedkan.

Sida laga soo xigtay The Mirror, Arsenal ayaa dooneysa inay u ogolaato Partey inuu ka tago Waqooyiga London dhamaadka xilli ciyaareedkan, inkastoo qandaraaskiisu uusan dhici doonin xagaaga.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga