Lisandro Martinez Oo Fariin U Diray Taageerayaasha Man United Kadib Dhaawacii Soo Gaadhay

Daafaca dhexe ee kooxda Manchster United Lisandro Martinez ayaa baraha bulshada fariin ugu diray taageerayaasha Man United kadib dhaawacii Soo gaadhay.

Xiddiga reer Argentina ayaa ku dhaawacmay kulankii ay Kooxdiisu ka badisay West Ham kulan ka tirsanaa premier league.

Lisandro Martinez ayaa la sheegay in uu ka dhaawacmay jilibka intii ay socotay ciyaartu.

Xiddiga ayaa la shaaciyay in uu garoomada ka Maqnaan Doona ugu yaraan 2 bilood kadib dhaawaca.

Lisandro Martinez ayaa taageerayaasha kooxda man United u sheegay in uu Soo laaban doono isaga oo Ka xoogan sidii Hore.

“Waxaan rabaa inaan si kal iyo laab ah uga mahadceliyo taageerada weyn ee aan helay, waxaanan idiin xaqiijinayaa inaan mar dhow dib ugu soo laaban doono halkaas, oo aan si wadajir ah u dagaalami doono. Had iyo jeer midow!”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga