Sababtii Uu Ronaldinho Ugu Biiri Waayay Man United 21 Sano Ka Hor Oo Daaha Laga Qaaday.

David Gill, madaxii hore ee fulinta Manchester United, ayaa furay sheekada aadka loo hadal hayo ee ku saabsan Heshiiskii ay United ku doonaysay saxiixa Ronaldinho, iyo sababta “uusan u helin dareen wanaagsan” wadahadalada.

Sanadkii 2003 weeraryahankii Paris Saint-Germain ee Ronaldinho ayaa qarka u fuulay inuu United ugu biiro 19 milyan oo euro.

Dhab ahaantii, ciyaaryahankii hore ee khadka dhexe Kleberson, oo laba sano ku qaatay Old Trafford intii u dhaxaysay 2003 iyo 2005, ayaa daaha ka qaadi doona sida uu xiddiga reer Brazil ugu dhawaaday in ku biiro Man United.

“Ronaldinho wuxuu ii sheegay inuu aadayo Manchester,” Kleberson ayaa u sheegay ESPN. “Wuxuu igu yidhi, Kaalay Manchester!”

Laakiin ka dib toddobaadyo ay socdeen warar ku saabsan heshiiska Ronaldinho ayaa go’aansaday inuu ku biiro kooxda reer Catalonia ee Barcelona heshiis ay su’aalo badan iska waydiiyeen taageerayaasha Man United kuwaas oo ku qanacsanaa in ay ku guulaysteen heshiiska.

Hadda, in ka badan labaatan sano ka dib dhacdada madaxii hore ee fulinta Manchester United David Gill ayaa fikrad soo jiidasho leh ka bixiyay mid ka mid ah ciyaartoyda ugu caansan kubada cagta ee ku dhawaaday in uu ku biiro United.

“Aniga ahaan, marna uma malayn in heshiisku dhawyahay, waxa aan aadnay Paris si aan ula kulano walaalkii Roberto Assis, kaas oo ahaa wakiilkiisa”.

“Waan ka wada hadalnay… annagoo ah Peter [Keenyon] iyo aniga, waxaan kula kulannay garoonka diyaaradaha Manchester, waxa aan qiimaynay wax walba, oo heshiiska ku kacaya mushaharka waxana aan lacag siinay wakiilka”.

“Peter wuxuu ku laabtay Old Trafford, waxaanan idhi waan ilaalin doonaa iyaga.”

“Marna ma dareemin dareen fiican sababta oo ah Barcelona ayaa ku jirtay tartanka, waxana aan horay u soo arkay heshiisyo badan”.

“Waxa aan dareemayaa in aan Ronaldinho keeni lahayn Man United hadii ayna Barcelona ku jirin tartanka sababta oo ah waxa ay ahaayeen dookha 1-aad ee Ronaldinho”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga