Hordhac: Man City Vs Everton: Citizen Oo La Wareegi Karta Hogaanka Premier League.

Kooxda Man City ayaa marti galinaysa kooxda Everton kulan adag oo ka tirsan premier League kana dhici doona Etihad.

City ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo doonaya in ay guul gaadhaan si ay ula wareegaan hogaanka premier League.

Dhinaca kale Everton ayaa doonaysa in ay joojiso kooxda Man City si ay uga soo baxdo boosaska looga hadho tartanka.

Kulanka: Man City Vs Liverpool

Tartanka: Premier League

Wakhtiga: 2:30

Garoonka: Etihad Staduim

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Manchester City ayaan laga badinin 13 kulan oo Premier League ah oo ay la ciyaartay Everton tan iyo guuldaradii 4-0 ee ka dhacday Goodison Park bishii Janaury 2017.

Toffees ayaa afar guul oo xiriir ah ku gaartay Etihad Stadium intii u dhaxeysay 2008 iyo 2010 laakiin wax guul ah ma gaarin 12 kulan oo xiriir ah oo ay booqatay, inkastoo ay barbaro 1-1 ah ku galeen xilli ciyaareedkii hore.

City ayaan laga badinin 21 kulan oo ay ku ciyaartay horyaalka garoonkeeda (17 guul, 4 barbaro), guuldaradii kaliya ee 35 kulan ee ugu danbaysay ee ay ku ciyaartay Etihad Stadium waxay ka dhacday Brentford bishii November 2022.

Kooxda Pep Guardiola ayaan laga badinin 23 kulan oo Premier League ah oo ay la ciyaartay kooxaha ku jira heerka labaad tan iyo markii ay guuldaro 3-2 ah kala kulmeen Norwich bishii Sebtembar 2019 (21 guul iyo 2 barbaro).

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga