Imisa Jeer Ayuu Xulka Ivory Coast Ku Guulaystay Koobka Africa Kadib Markii Ay Final-ka Ku Garaaceen Xulka Nigeria.

Xulka Qaranka Ivory Coast ayaa markii 3-aad ee taariikhdooda ku guulaystay koobka Africa.

Xulka Ivory Coast oo ahaa marti galiyayaasha koobka Africa ayaa garaacay xulka Nigeria kulankii Final-ka.

Goolal ay dhaliyeen xulalka Franck Kessie Iyo Sebastien Haller ayaa xulka Ivory Coast ku hogaamiyay koobka Africa.

Waa markii 3-aad ee taariikhdooda uu xulka Ivoray coast u dabaal-dago ku guulaysiga koobka qaarada Africa.

Sidoo kale waa markii ugu horaysay tan ilaa 2015 ee uu xulka Ivoray coast ku guulaysto koobka Africa.

Labadii jeer ee ay horay horay ugu guulaysteen koobka Africa ayaa kala ahayd 1992 iyo 2015.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga