Shaxda Ugu Fiican 8 Dhamaadka FA Cup-ka Oo La Soo Saaray.

Waxa la soo afjaray kulamadii 8 dhamaadka tartanka FA Cup-ka oo la ciyaaray Sabtidii iyo Axadii.

Kooxda Coventry City ayaa reebtay Wolves iyaga oo si taariikhi ah isaga xaadiriyay wareega Semi-final-ka FA Cup-ka.

Dhinaca kale Man City ayaa garaacday Newcastle iyaga oo goostay tigidhkooda wareega Semi-final-ka FA Cup-ka.

Kooxda chelsea ayaa garaacday leicester City waxana ay markii 2-aad iska xaadiriyeen garoonka Wembley.

Man United ayaa garaacday Liverpool iyaga oo iska xaadiriyay Semi-final-ka tartanka FA Cup-ka.

Kadib kulamadaas waxa la soo saaray shaxda ugu fiican wareega 8 dhamaadka tartanka FA Cup-ka.

Kooxd Man City ayaa shaxda ku leh xiddigaha ugu badan iyaga oo ku leh 3 xiddig halka ay Wolves iyo Coventry shaxda ku leeyihiin 2 xiddig.

Kooxaha chelsea, Man United iyo Liverpool ayaa shaxda ku leh min hal xiddig.

Image

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga