Bruno Fernandes Oo Ka Fal Celiyay In Ay Man United K Fogaato Man City Isku Aadka Wareega Semi-final-ka FA Cup-ka.

Bruno Fernandes ayaa sheegay in ayna Man United iska indha-tiri karin kooxda Coventry City ka dib markii ay ka fogaadeen kooxaha Premier League ku xafiiltama ee Manchester City iyo Chelsea isku aadka semi-finalka FA Cup.

United ayaa Liverpool ku garaacday 4/3 kulan ka dhacay Trafford Axadii, waxaana ay ku aaday kooxda heerka labaad ee Coventry City, taasoo ka yaabsatay Wolves horaantii isbuucaan.

Manchester United ayaa kula kulmi doonta Coventry City, 20 April iyaga oo isha ku haya in ay gaadhaan final-kii 22-aad ee tartanka FA Cup-ka

“Waxay noqon doontaa kulan adag,” Kabtanka Manchester United Fernandes ayaa u sheegay MUTV.

“Waxaan arkaa qaar ka mid ah ciyaarahooda sababtoo ah cunto kariyaha gurigayga waa taageere Sunderland, sidaas darteed waxaan ku arkaa qaar ka mid ah ciyaaraha Championship-ka mararka qaar isaga oo guriga jooga”.

“Sidaas darteed xilliyada qaar waxay heystaan ​​ciyaartoy fiican oo kubada ah. Runtii aad bay u adag tahay in jidh ahaan laga hor yimaado. Waxaan u aragnay kulankii Wolves”.

“Waxay ku badiyeen kulanka seddex daqiiqo gudahood waxaan u maleynayaa, 97 iyo 90 oo lagu daray 10, wax la mid ah. Markaa waanu garanaynaa waxa aanu filan karno”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga