Jamie Carragher Oo Sheegay Sababta Ay Man City Tahay Kooxda Kaliya Ee Ku Faraxday Guushii Arsenal Ka Gaadhay Liverpool.

Halyeeyga Liverpool ee Jamie Carragher ayaa sheegay in Man City ahayd kooxda kaliya ee ku faraxday guushii ay Arsenal ka gaadhay Liverpool Axadii kulan ka tirsanaa horyaalka premier League.

Gunners ayaa 3/1 ku garaacda Kooxda Jurgen Klopp iyaga oo uga mahad celinaya goolal ay u dhaliyeen Bukayo Saka, Gabriel Martinelli & Leandro Trossard.

Dhibcaha ay Liverpool ku hogaaminaysa ayaa laga dhigay kaliya 2 dhibcood kadib markii ay Man City ka badisay kooxda Brentford kulan ka tirsanaa premier League.

Carragher ayaa sheegay in natiijadii kulankii Arsenal iyo Liverpool ay Man City ku faraxday maadama ay tahay kooxda ka faa’iiday guuldarada Liverpool.

“Arsenal waxa ay ku soo laabatay tartanka Premier League Laakiin hadii aan runta ka hadlo natiijadaas waxa ku faraxsan Ma City”ayuu Carragher yidhi.

“Waxa aan Qabaa in ay Man City kooxda Liverpool u aragto kuwo ku ah halis difaacashooda Horyaalka marka loo eego Arsenal sidaas darteed iyada ayaa ku faraxday guuldaradii Liverpool”ayuu sii raaciyay.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga