Rodri oo qaracan ku riday taageerayaasha Barcelona & fasir layaab leh oo laga bixiyey hadalkiisa ……

Xiddiga Barcelona ee Rodri ayaa ka hadlay rajada kooxdiisa ee ku guuleysiga Champions League xilli ciyaareedkan 2026/27, isagoo sheegay in inkastoo Barcelona ay awood u leedahay inay qaado koobka, haddana aan loo arki karin kooxda ugu cadcad hanashada tartanka, Hadalka Rodri ayaa yimid kaddib markii Barcelona ay si xooggan ku bilaabatay tartanka, iyadoo kulankeedii ugu horreeyay ee marxaladda horyaalka 5-1 ku garaacday Feyenoord.

Rodri oo la hadlay wargeyska Mundo Deportivo ayaa sheegay in Champions League uu yahay koob ay Barcelona si dhab ah u hanan karto, isla markaana uu yahay tallaabada ugu dambeysa ee kooxdu u baahan tahay si ay Yurub ugu muujiso awooddeeda, Hase yeeshee, wuxuu caddeeyay in Barcelona aysan weli ahayn kooxda ugu cadcad, maadaama ay jiraan dhinacyo muhiim ah oo ay tahay inay horumariso si ay u gaarto heerka looga baahan yahay koox ku guuleysata koobka Yurub.

Xiddiga reer Spain ayaa sidoo kale sheegay in isaga iyo saaxiibadiis ay kooxda ugu yimaadeen qayb ahaan inay ka caawiyaan horumarinta awoodaha iyo tayada looga baahan yahay hanashada koobab waaweyn sida Champions League, Wuxuu tilmaamay in tartankan aysan muhiim ahayn oo keliya in la ogaado kooxda guud ahaan ugu fiican, balse ay aad muhiim u yihiin sida kooxdu ula tacaasho daqiiqadaha go’aanka leh ee kulamada waaweyn.

Rodri wuxuu si gaar ah u xusay arrimo ay ka mid yihiin kaararka casaanka, rigoorayaasha iyo fursadaha aan loo baahnayn ee kooxda kasoo horjeeda loo oggolaado, isagoo sheegay in dhacdooyinkaas ay mararka qaar go’aamiyaan in kooxdu u gudubto wareegga xiga ama ay tartanka ka harto, Sidaas darteed, wuxuu aaminsan yahay in Barcelona ay weli u baahan tahay inay si weyn uga shaqeyso xasiloonida iyo adkeysiga difaaca.

Rodri ayaa intaas ku daray in mararka qaar joogteynta iyo difaac adag ay ka muhiimsan yihiin bandhig weerar oo qurux badan, isagoo tusaale u soo qaatay kooxihii hore ugu guuleystay Champions League oo muujiyay muhiimadda ay leedahay in kooxdu awood u yeelato inay xaaladaha adag si wanaagsan uga gudubto.

Sidoo kale, Rodri wuxuu sheegay in khibraddu ay door weyn ka ciyaarto tartanka Champions League, Wuxuu xusuustay inuu dhowr jeer tartanka ka qeyb galay ka hor inta uusan ugu dambeyn koobka kula guuleysan Manchester City, isagoo sheegay in ciyaartoydu ay tahay inay marka hore guuldarreystaan, wax ka bartaan, kadibna ay si tartiib ah ugu diyaargaroobaan inay qaadaan koobabka waaweyn.

Ugu dambeyn, Rodri wuxuu sheegay in haddii la weydiiyo inay Barcelona fursad u leedahay hanashada Champions League, jawaabtu ay tahay haa, isla markaana rabitaanka uu ugu guuleysto koobkan uu kamid ahaa sababihii uu Barcelona ugu soo biiray, Wuxuu muujiyay kalsooni ah in kooxda ay awood u leedahay inay horumariso meelaha ay hadda ka liidato, balse wuxuu ka digay in aan weli Barcelona lagu tilmaamin kooxda ugu cadcad koobka.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga