DEG-DEG: Arsenal Oo Xiddig Dhaawac Uga Maqnaa Ku Dartay Liiska Champions League.

Kooxda Arsenal ayaa UEFA u gudbisay Liiska xiddigaha ay kaga qayb galayso wareega bug baxa ee tartanka champions League.

Arsenal ayaa war fiican ka heshay xaalada daafaca Jurrien Timber kaas oo lagu daray Liiska xiddigaha ay kooxdu ku ciyaari doonto champions League.

Xiddiga Jurrien Timber ayaa u muuqda mid ka soo kabsanaya dhaawacii dheeraad ee soo gaadhay bilowgii xilli ciyaareedkan.

Jurrien Timber Ayaa kaliya ciyaaray hal kulan premier League xilli ciyaareedkan waxana uu inta badan xilli ciyaareedkan ku seegay dhaawac wakhti fog ah.

Laakiin Jurrien Timber ayaa ka soo muuqday Liiska xiddigaha ay kooxdu kaga qayb gali doonto wareegyada dambe ee tartanka champions League.

Arsenal ayaa la ciyaari doonta kooxda Fc Porto wareega 16-ka tartanka champions League kadib markii ay kaalinta 1-aad kaga soo bexeen tartanka.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga