PSG Mise Bayern Munich? Rooney Oo Magacaagay Kooxda Gaadhi Doonta Final Champions League.

Halyeygii hore ee Manchester United, Wayne Rooney, uu doortay Bayern Munich inay tahay kooxda leh fursadda ugu fiican ee gaari karta final-ka UEFA Champions League, marka loo eego Paris Saint-Germain.

Rooney oo ka hadlayay falanqayn uu bixiyay barnaamijka Prime Video kadib ciyaarta, ayaa sheegay in Bayern ay haystaan faa’iido marka la eego lugta labaad ee semi-finalka oo ka dhici doonta garoonka Allianz Arena.

Inkasta oo Bayern ay Paris kaga soo baxeen hal gool oo looga horeeyo, Rooney wuxuu aaminsan yahay in awoodda ay u leeyihiin inay gool ka dhaliyaan PSG—iyo inay difaacooda hagaajiyaan—ay siinayso fursad fiican.

Rooney ayaa yiri: “Markaan eegno toddobaadka soo socda, waxaan aad ugu kalsoonaan lahaa inaan ku jiro xaaladda Bayern Munich. Hal gool oo keliya ayaad ku hoos jirtaa, waadna ogtahay inaad gool ka dhalin karto PSG isla markaana wax yar difaacaaga hagaajin karto—marka waxaan dhihi lahaa faa’iidada iyaga ayay la jirtaa.”

Kulanka go’aaminta ah ayaa la ciyaari doonaa toddobaadka soo socda gudaha Jarmalka.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga