Koobka Adduunka: Neymar Oo Magacaagay Labada Xul Ee Uu Doonayo In Uu Ku Arko Finalka.

Weeraryahanka Santos, Neymar, ayaa doortay laba waddan oo uu jeclaan lahaa inay ku kulmaan final-ka 2026 FIFA World Cup.

Koobka Adduunka ayaa bilaaban doona xagaaga, waxaana si wadajir ah u martigelinaya Canada, Mexico iyo United States.

Neymar wuxuu doonayaa in dalkiisa Brazil iyo Argentina ay ku kulmaan final-ka koobka adduunka sanadkan.

Wuxuu yiri: “Final u dhexeeya Brazil iyo Argentina! Taasi waxay noqon lahayd wax cajiib ah.”

“Dabcan, waxaan ka fikirayaa Koobka Adduunka sida ciyaaryahan kasta, aad ayaan u jeclaan lahaa inaan ka ciyaaro. Waxaan rajeynayaa inay taasi dhacdo.”

Neymar ayaa rajeynaya in lagu daro xulka kama dambaysta ah ee Brazil, oo uu soo xuli doono tababaraha Carlo Ancelotti maalmaha soo socda.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga