Arsenal Iyo Atletico Madrid Oo Bar-baro Ku Kala Baxay Kulanka Champions League

Kulanka u dhexeeyay Atlético Madrid iyo Arsenal ayaa ku dhammaaday barbaro 1-1 ah lugta hore ee semi-finalka UEFA Champions League, kaas oo caawa lagu ciyaaray garoonka Metropolitano Stadium.

Arsenal ayaa heshay goolka koowaad daqiiqaddii 44-aad, waxaana rigoore ka dhaliyay Viktor Gyökeres. Laakiin Atlético Madrid ayaa barbaraha la timid qeybta labaad, iyadoo Julián Álvarez uu rigoore ku dhaliyay daqiiqaddii 56-aad.

Kulanka wuxuu ahaa mid aad u adag oo ay labada kooxood si weyn ugu loollameen, wuxuuna ku dhammaaday 1-1, taas oo ka dhigan in go’aanka kama dambaysta ah loo wareejiyay lugta labaad.

Lugta labaad ayaa la ciyaari doonaa Salaasada, May 5, waxaana lagu qaban doonaa garoonka Emirates Stadium, saacadda 10:00 fiidnimo waqtiga somaliya.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga