
Manchester United ayaa la soo saxiixatay daafaca bidix ee Lecce iyo xulka Denmark Patrick Dorgu oo ay kula soo wareegtay adduun dhan 29 milyan oo euro.
Red Devils ayaa mudnaanta koowaad siisay xoojinta dhanka bidix ee difaaca kooxda Ruben Amorim iyaga oo u dhaqaaqay xoojinta suuqa January.
Dorgu wuxuu noqonayaa saxiixii ugu horeeyay ee Amorim ee maamulkiisa isagoo ah macalinka iyo saxiixii lixaad ee cusub tan iyo markii Sir Jim Ratcliffe uu qeyb ahaan la wareegay United 12 bilood ka hor.
“Aad ayaan ugu faraxsanahay in aan isugu yeedho xiddig Man United ah”ayuu Dorgu yidhi.
“Tani waa maalin ii khaas ah noloshayda oo dhan”ayuu sii raaciyay.
Be the first to comment