Ollie Watkins Oo Go’aan Ka Gaadhay Wararka La Xidhiidhinaya Arsenal

Ollie Watkins ayaa ‘u furan’ ku biirida Arsenal ka hor dhamaadka suuqa kala iibsiga hadii Aston Villa ay aqbasho dalabkii ay ka diiday Arsenal.

Mustaqbalka xiddiga reer England ayaa noqon doona midka ugu hadal haynta badan maalmaha ka dhiman suuqa January isaga oo xiiso ka helaya kooxda Arsenal.

Arsenal ayaa dalab rasmi ah u gudbisay Villa, iyadoo rajeyneysa in Watkins ay ku xoojiso weerarka kooxda Mikel Arteta.

Sida laga soo xigtay Daily Mail, Watkins ayaa xiiseynaya inuu u dhaqaaqo Emirates Stadium, waxaana uu diyaar u yahay inuu heshiis la gaaro Arsenal haddii ay horumar ka sameeyaan wada hadalada Villa.

Watkins waxa uu taageere u ahaa kooxda Arsenal  tan ilaa yaraantiisii waxana riyadiisa ahayd in uu u ciyaaro kooxda.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga