Luís Figo ayaa si adag ugu baaqay in Gianni Infantino uu iska casilo xilka madaxweynaha FIFA, isagoo ku eedeeyay inuu dhaawacay sumcadda hay’adda kubadda cagta adduunka.
Figo ayaa yiri: “Maanta waxaan ku biirayaa dad badan oo ka kala socda daafaha kubadda cagta si aan u dalbado iscasilaadda Gianni Infantino ee xilka madaxweynaha FIFA.”
Wuxuu sii watay eedeymo culus oo ka dhan ah Infantino: “Infantino wuxuu hoos u dhigay sharaftii iyo qiimihii xilka uu ballanqaaday inuu kor u qaadi doono. Wuu been sheegay, wuu khiyaaneeyay, wuxuuna isku dayay inuu danihiisa gaarka ah ka hormariyo danta kubadda cagta uu waajibka ka saaran yahay inuu u adeego.”
Figo ayaa sidoo kale sheegay in Infantino uu lumiyay kalsoonidii dadka ugu dhowaa: “Wuxuu lumiyay taageeradii shaqaalihiisa sare, la-taliyayaashiisa ugu dhow, inta badan dadka noloshooda u huray kubadda cagta, iyo xitaa qofkii ku guuleystay abaalmarinta FIFA ee Sports for Peace.”
Ugu dambeyn, Figo ayaa fariintiisa ku soo gabagabeeyay baaq adag: “Waa goor dambe in la badbaadiyo sharaftiisa, balse weli ma ahan goor dambe in la badbaadiyo kubadda cagta. Waa inuu baxaa. Hadda.”
Be the first to comment