Mourinho Oo Kusoo Noqonaya Premier League, Barca Oo Gargaar Weydiisatay Spurs, Saxeexa Ay Isku Haystaan Man United & Liverpool Iyo Wararka Suuqa Ee Maanta

Barcelona ayaa doonaysa in ay Tottenham weydiisato xiddiga khadka dhexe ee reer Argentina ee Giovani Lo Celso in ay amaah kusiiso inta ka hadhay xilli-ciyaareedkan. 27 jirkan ayaa bandhig fiican ka samaynaya garoomada. (90 min)

Wada-hadallo kusii dhowaanaya heshiis ayaa u dhexeeya khadka dhexe ee Manchester United iyo Netherlands ee Donny van de Beek oo 26 jir ah iyo kooxda Eintracht Frankfurt, kaas oo uu qorshuhu yahay inuu amaah ku tago kooxda reer Germany. (Fabrizio Romano)

Mulkiileyaasha Newcastle United ayaa waxa ay la dhacsan yihiin tababaraha reer Portugal ee Jose Mourinho oo ay doonayaan inay ku beddelaan Eddie Howe xilli-ciyaareedka dambe. Mourinho ayaa qandaraaskiisa AS Roma uu ku egyahay dhamaadka xilli-ciyaareedkan socda. (Gazzetta dello Sport)

Getafe waxa ay rajaynaysaa in ay si rasmi ah ula wareegto xiddiga reer England ee Mason Greenwood oo ah 22 jir ay Man United amaah ku siisay xagaagii, kaddib markii ay Red Devils diidday inay ciyaarsiiyo laacibkan oo lagu eedeeyey inuu kufsaday gabadh ay saaxiibbo ahaayeen. (Athletic)

Arsenal waxay dalab £17.2 milyan oo Gini ah oo ay dheer yihiin lacago ku xidhnaanaya bandhiggiisa ay ku u gudbisay kooxda reer Brazil ee heerka labaad u dhacday ee Santos oo ay ka doonayaan weeraryahanka 20 jirka ah ee Marcos Leonardo. (Fichajes)

Manchester City waxay doonaysaa in ay la saxeexato khad dhexe suuqa bisha January ee foodda inagu soo haya. (Football Insider)

Juventus waxay wali xiisaynaysaa khadka dhexe ee Manchester City iyo England ee Kalvin Phillips oo ah 28 jir boos la’aani kaga dhacday Etihad Stadium. Juventus waxay isku dayaysaa inay amaah kula wareegto Kalvin. (Gazzetta dello Sport)

Viktor GFyokeres oo ah 25 jir weerarka uga ciyaara Sporting Lisbon oo u dhashay waddanka Sweden ayaa waxa amaah ku doonaysa Chelsea. (Ekrem Konur)

Manchester United iyo Liverpool waxay ka mid noqdeen kooxaha Premier League ee ku tartamaya saxeexa 18 jirka Spain ee Assane Diao oo garabka weerarka uga ciyaara Real Betis. (TeamTalk)

Liverpool waxay dib ugu yeedhan doontaa difaaca reer England ee Nat Phillips oo ah 26 jir ay amaah ugu direen Celtic, kaddib dhaawac soo gaadhay Joel Matip oo xilli-ciyaareedka oo dhan maqnaan doona. (Mirror)

Ibrahima Konate oo difaaca uga ciyaara Liverpool oo ay da’diisu tahay 24 jir, waxa uu kooxdiisa la bilaabay wada-hadallo uu qandaraaska ku kordhinayo, iyadoo ay soo baxayaan xiise ka imanaya PSG. (Le10sport)

Borussia Dortmund iyo Newcastle United ayaa kusoo biiray tartanka loogu jiro weeraryahanka kooxda Stuttgart iyo xulka Guinea ee Serhou Guirassy. 27 jirkan ayaa dhaliyey 16 gool oo horyaalka Bundesliga ah xilli-ciyaareedkan isaga oo saftay 12 kulan oo kaliya. (Sport Bild)

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga