Barcelona oo Niyad-jab Weyn Kala Kulantay Saxiixii ay ku raadjoogeen , Waa kuma ?

Barcelona ayaa la kulantay niyad-jab weyn oo ku aaddan qorshaheeda ay ku dooneysay weeraryahanka Inter Milan, Lautaro Martínez, kadib markii kooxda Talyaaniga ay si cad u diiday inay iibiso kabtankeeda.

Barcelona ayaa xiiseynaysay Lautaro, gaar ahaan kadib markii ay ku adkaatay inay la soo saxiixato Julián Álvarez, waxaana weeraryahanka Inter loo arkayay mid ka mid ah xulashooyinka ugu muhiimsan ee kooxda Catalan-ka, warbixinno ayaa sheegay in Barcelona ay si dhab ah u bilowday inay ka shaqeyso heshiiska Lautaro.

Laakiin Inter ayaa hadda albaabka si adag u xirtay, Madaxweynaha kooxda, Giuseppe Marotta, ayaa sheegay in Lautaro uu yahay kabtanka Inter iyo qayb ka mid ah taariikhda kooxda, isagoo caddeeyay in aysan jirin wax shuruudo ah oo lagu iibin karo xiddiga reer Argentina.

Marotta ayaa yiri: “Lautaro waa kabtankeenna, waa taariikhdeenna,  Xitaa ma jiraan shuruudo lagu iibin karo Lautaro Martínez.”

Wuxuu sidoo kale si adag u sheegay in aan xitaa laga hadlin bixitaanka Lautaro xagaagan, taasoo fariin toos ah u dirtay Barcelona iyo koox kasta oo dooneysa weeraryahanka.

Sidaas darteed, Barcelona waxay hadda wajahaysaa niyad-jab weyn, maadaama qorshaheeda Lautaro uu u muuqdo mid si weyn u adkaaday. Inter waxay u aragtaa 28-jirka reer Argentina inuu yahay ciyaaryahan lama taabtaan ah, gaar ahaan maadaama uu yahay kabtanka kooxda, isla markaana uu heshiis kula jiro Inter ilaa 2029.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga