CEEB & XASUUQ : Manchester United Oo Guuldarro Lama Filaan Ah Kala Kulantay Hull City Kulankii Furitaanka Premier League

Hull City ayaa sameysay lama filaankii ugu horreeyay ee Premier League xilli ciyaareedka 2026/27, kadib markii ay 2-0 ku garaacday Manchester United kulankii furitaanka horyaalka.

Kooxda dib ugu soo laabatay Premier League ayaa gaartay guusheedii ugu horreysay ee taariikhda ay ka gaarto Manchester United, kaddib 10 kulan oo hore aysan wax guul ah ka helin.

Semi Ajayi ayaa Hull City hoggaanka u dhiibay daqiiqaddii 17-aad, isagoo si qurux badan kubadda ugu dhaliyay shabaqa goolhayaha Belgian-ka ah san Lamines, halka Nobel Mendy uu daqiiqaddii 38-aad dhaliyay goolka labaad, isagoo ka faa’iideystay qalad ka dhacay difaaca Manchester United.

Inkastoo kooxda uu tababaro Michael Carrick ay ciyaarta si weyn u maamuleysay, haddana ma aysan helin wax gool ah,  Manchester United ayaa kubadda haysatay 70%, waxayna sameysay 19 laad, kuwaas oo 6 ka mid ahi bartilmaameed ahaayeen, dhanka kale, Hull City waxay sameysay 8 laad oo 4 ka mid ahi goolka beegsadeen, iyadoo si hufan uga faa’iideysatay fursadaheedii.

Guushan ayaa Hull City u noqotay bilow riyo ah oo ay ku xustay dib ugu soo laabashadeeda Premier League kaddib 9 sano oo ay ka maqneyd horyaalka ugu sarreeya Ingiriiska, halka Manchester United ay xilli ciyaareedka ku furtay guuldarro niyad jab leh.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga