LIVERPOOL OO GUULDARO KA BAD BAADAY szoboszlai oo liverpool ka badbaadiyay guuldarro 2-2 ……

Liverpool ayaa si xamaasad leh ku bilowday xilli ciyaareedka cusub ee Premier League 2026/27, laakiin waxay ku dhowaatay inay guuldarro kala kulanto Newcastle United, ka hor inta uusan Dominik Szoboszlai daqiiqadihii ugu dambeeyay ciyaarta ka badbaadin.

Kulanka ayaa lagu ciyaaray garoonka St James’ Park, iyadoo Liverpool iyo Newcastle ay ku kala baxeen barbaro 2-2 ah, Newcastle ayaa si xoog leh ku bilaabatay ciyaarta, waxaana daqiiqaddii 5-aad goolka koowaad u dhaliyay Anthony Elanga, kaasoo kooxda martida loo ahaa siiyay hoggaan degdeg ah.

Liverpool ayaa isku dayday inay ciyaarta kusoo laabato, laakiin Newcastle ayaa qaybtii hore si fiican u difaacatay, waxaana labada kooxood ay nasashada aadeen iyadoo Newcastle 1-0 ku hoggaamineyso, qaybtii labaad, Liverpool ayaa kordhisay weerarkeeda, waxaana dadaalkeeda miro dhalay daqiiqaddii 55-aad, markii Cody Gakpo uu Liverpool u dhaliyay goolka barbaraha.

Kaliya laba daqiiqo kaddib, daqiiqaddii 57-aad, Joseph Willock ayaa Newcastle mar kale hoggaanka u soo celiyay, isagoo ciyaarta ka dhigay 2-1, Liverpool ayaa markaas isku dayday inay mar kale soo laabato, laakiin daqiiqadihii ciyaarta ka haray wax gool ah ma dhalin.

Markii ciyaartu gashay daqiiqadihii ugu dambeeyay ee waqtiga dheeriga ah, Liverpool ayaa heshay fursad dahabi ah kadib markii garsooruhu u dhigay rigoore.

Waxaa masuuliyadda qaaday Dominik Szoboszlai, waxaana uu si kalsooni leh u dhaliyay rigoorihii, isagoo Liverpool ka badbaadiyay guuldarro.

Goolkaas ayaa ciyaarta ka dhigay 2-2, waxaana labada kooxood ay ugu dambeyn ku qasbanaadeen inay ku qanacsanaadaan hal dhibic.

⚽ GOOLASHA:
5′ — Anthony Elanga 🇸🇪 — Newcastle
55′ — Cody Gakpo 🇳🇱 — Liverpool
57′ — Joseph Willock 🇬🇧 — Newcastle
90+ — Dominik Szoboszlai 🇭🇺 — Liverpool

Sidaas darteed, Liverpool iyo Newcastle ayaa min hal dhibic ku bilaabay ololahooda Premier League 2026/27, Liverpool ayaa laga yaabaa inay ka xumaato fursadaha ay lumisay, laakiin ugu dambeyn Szoboszlai ayaa noqday geesiga Liverpool, isagoo kooxdiisa ka badbaadiyay guuldarro xilli ciyaartu ku dhoweyd inay dhammaato.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga