Immisa Milyan Ayay Khasaaraysaa Manchester United Kaddib Markii Ay Ka Hadhay Tartanka Champions League?

Kooxda kubadda cagta Manchester United waxay si rasmi ah uga hadhay tartanka Champions League iyadoo waliba ku guul-darraysatay inay qayb ka noqoto Europa League oo ay xataa boos ka weyday kaddib markii ay kaalinta ugu hoosaysa kaga dhamaysatay Group A.

Bayern Munich iyo FC Copenhagen ayaa usoo gudbay wareegga 16ka Champions League iyadoo kaalinta saddexaad ee ka qayb-gelaysa Europa League ay gashay Galatasaray halka Manchester United ay si rasmi ah u macasalaamaysay tartamada Yurub oo dhan.

Manchester United ayaa waxa rajadeedu ay soo afjarantay markii ay Bayern Munich ku garaacday 1-0, waxaana loo diiwaangeliyey rikoodh murugo leh kaas oo ah in ay noqotay kooxdii ugu horreysay ee Ingiriis ah ee 15 gool laga dhaliyo wareegga koowaad ee Group-yada Champions League.

Ka hadhista Champions League, waxay Manchester United ka galaafatay lacag badan oo malaayiin ah oo ay heli lahayd haddii ay soo gudbi lahayd.

Koox kasta oo kasoo qayb-gashay tartanka Champions League, waxa la siiyaa lacag, guul kasta waxa ay UEFA ku bixisaa lacag, halka barbarruhuna uu yahay lacag.

Xilli-ciyaareedkan, Manchester United waxay heli lahayd £8.4 milyan oo Gini haddii ay usoo gudbi lahayd wareegga 16ka Champions League, haddii ay kja gudbaan wareegga 16ka oo ay gaadhaan siddeed-dhamaadkana waxay heli lahaayeen £9.1 milyan oo Gini oo kale iyo haddii ay semi-finalka yimaaddaan oo qasnadda loogu shubi lahaa £10.7 milyan oo Gini oo kale.

Maadaama Manchester United ay ku hadhay wareegga koowaad, waxa ay waayeen £30 milyan oo Gini, waxaana kaliya ay heleen £1.7 milyan oo ah baahinta kulamadoodii iyo kasoo qayb-galka tartanka.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga