Real Madrid ayaa daqiiqaddii 90-aad dhalisay goolka labaad ee ay kaga adkaatay Espanyol, kulan ka tirsan horyaalka La Liga ee xilli ciyaareedka 2026/2027.
Jude Bellingham ayaa Real Madrid hogaanka u dhiibay daqiiqaddii 9-aad, balse Espanyol ayaa ciyaarta kusoo laabatay, waxaana goolka barbaraha u dhaliyay Álex Calatrava.

Markii ciyaartu ku dhoweyd inay ku dhammaato barbaro, Real Madrid ayaa heshay fursad dahabi ah. Carlos Espí ayaa ka faa’iidaystay qalad difaac oo weyn oo ay sameeyeen ciyaartoyda Espanyol, isagoo kubadda ka dhex qaatay xerada ganaaxa, kadibna ku tuuray goolkii madhnaa.
Goolkaas oo yimid waqtigii dhimashada ayaa Real Madrid siisay 2-1, waxaana kooxda Los Blancos ay sidaas ku xaqiijisay saddex dhibcood oo aad qaali u ah.
Natiijada: Espanyol 1-2 Real Madrid.

Be the first to comment