Barcelona ayaa si xoog leh ku bilaabatay ololaha cusub ee La Liga 2026/27, kaddib markii ay 5-0 kaga adkaatay Elche kulankii wareegga labaad ee horyaalka.
Kooxda uu hoggaamiyo tababare Hansi Flick ayaa kulanka marti ku ahayd Elche, iyadoo ciyaartan ay ahayd kulankeedii ugu horreeyay ee horyaalka xilli ciyaareedkan, maadaama kulankii furitaanka ee Athletic Bilbao dib loo dhigay, Barcelona ayaa goolka koowaad dhalisay daqiiqaddii 14-aad, waxaana rigoore si wanaagsan u dhaliyay kabtanka Raphinha.
Wax yar ka hor inta aysan qeybtii hore dhammaan, daqiiqaddii 45+3, saxiixa cusub ee Karim Adeyemi ayaa Barcelona u dhaliyay goolka labaad, kaasoo ahaa goolkiisii ugu horreeyay ee uu u dhaliyo Barcelona.
Barcelona ayaa sidoo kale qasab ku noqotay inay sameyso isbeddel qeybtii hore, kaddib markii Gavi uu dhaawacmay, waxaana booskiisa soo galay Pedri daqiiqaddii 45-aad, qeybtii labaad, Raphinha ayaa mar kale shabaqa soo taabtay daqiiqaddii 67-aad, isagoo dhaliyay goolkiisii labaad ee ciyaarta iyo kii saddexaad ee Barcelona.
Daqiiqaddii 71-aad, Fermín López ayaa Barcelona u dhaliyay goolka afraad, kaddib markii uu ka faa’iideystay kubbad uu u soo dhiibay saaxiibkiis Anthony Gordon, Fermín López ayaa markale shabaqa gaaray daqiiqaddii 79-aad, isagoo dhaliyay goolkiisii labaad ee ciyaarta iyo goolka shanaad ee Barcelona, g
uushan ayaa Barcelona siisay 3-dii dhibcood ee ugu horreeyay ee horyaalka xilli ciyaareedkan, halka Elche ay weli ku hartay hal dhibic.
Be the first to comment