Waxaa soo baxaya war weyn oo ku saabsan xiddiga reer Masar Omar Marmoush, iyadoo Tottenham Hotspur ay heshiis afka ah la gaartay Manchester City si ay ula soo wareegto ciyaaryahanka.
Sida wararka hadda la helayo, labada kooxood ayaa gaaray heshiis afka ah oo ku saabsan in Marmoush uu Tottenham ugu biiro heshiis amaah ah, heshiiska ayaa ah amaah bilow ah, balse waxaa ku jira qodob iib ah oo noqon kara mid waajib ah haddii shuruudo gaar ah la buuxiyo.
Qiimaha lagu sheegay heshiiska iibka joogtada ah ayaa gaaraya 50 milyan oo Pound, taasoo ka dhigan in Tottenham ay mustaqbalka si rasmi ah ula wareegi karto ciyaaryahanka haddii shuruudaha heshiiska la buuxiyo, dhanka ciyaaryahanka, wararku waxay sheegayaan in Omar Marmoush uu horey u ogolaaday inuu ku biiro Tottenham, iyadoo la sheegay in go’aankiisa uu yimid maalmo ka hor.
Tallaabada xigta ayaa ah in Marmoush uu u safro Tottenham, iyadoo baaritaanka caafimaadka loo qorsheeyay Isniinta, haddii baaritaanka caafimaadka iyo dhammaan faahfaahinta heshiiska la dhammeystiro, Marmoush wuxuu noqon karaa ciyaaryahan cusub oo Tottenham ah.
Marmoush wuxuu Manchester City ugu biiray isagoo ahaa mid ka mid ah weeraryahannada aadka loo hadal hayay, laakiin tartanka boosaska weerarka iyo fursadaha ciyaareed ayaa keenay su’aalo ku saabsan mustaqbalkiisa kooxda, hadda Tottenham ayaa u muuqata inay fursad u heshay inay la wareegto xiddiga reer Masar.
Be the first to comment