QARAXDAY :- Xiisad cusub oo ka dhex qaraxday Atletico Madrid iyo Julian Alvarez & Dagaalka oo weji cusub

Xiisad cusub ayaa ka dhex qaraxday Atletico Madrid iyo wakiilka xiddiga reer Argentina Julian Alvarez, kadib markii wakiilkiisa Fernando Hidalgo uu si toos ah uga jawaabay hadallo uu dhawaan jeediyay madaxa fulinta kooxda, Miguel Ángel Gil Marín.

Mustaqbalka Alvarez ayaa weli ah mid si weyn loo hadal hayo xilli suuqa kala iibsiga xagaaga uu marayo marxaladihii ugu dambeeyay, wararka ayaa sheegaya in ciyaaryahanka uu doonayo inuu ka tago Atletico Madrid, iyadoo Barcelona ay xiiseynayso inay lasoo saxiixato.

Si kastaba ha ahaatee, Atletico Madrid ayaa si cad u sheegtay inaysan doonayn inay iska fasaxdo Alvarez xagaagan, waxaana arrintaas marar badan xaqiijiyay madaxda kooxda.

Gil Marín ayaa shalay ka hadlay xaaladda Alvarez, isagoo hadalkiisa ku daray dhaleeceyn ku wajahan dadka ku hareeraysan ciyaaryahanka:-  “Alvarez ma uusan helin la-taliyayaashii ugu fiicnaa ee xirfaddiisa bilihii ugu dambeeyay,” ayuu yiri madaxa fulinta Atletico Madrid.

Hadalkan ayaa u muuqda inuu si weyn uga careysiiyay wakiilka Alvarez, Fernando Hidalgo, kaasoo baraha bulshada kaga jawaabay hadal kulul.

Hidalgo ayaa Instagram-ka ku qoray:“Ha weydiin beenaalaha sababta uu u been sheegayo, sababtoo ah wuxuu ku qasbanaan doonaa inuu mar kale been sheego si uu u sharaxo.”

Hadalkan ayaa loo fasirtay inuu si toos ah ugu socdo Gil Marín, taasoo sii kordhisay xiisadda ku saabsan mustaqbalka Alvarez.

Julian Alvarez ayaa sidaas darteed weli bartamaha uga jira dagaalka suuqa kala iibsiga, iyadoo Atletico Madrid ay ku adkeysaneyso inuu sii joogo, halka Barcelona ay doonayso inay ka faa’iideysato rabitaanka ciyaaryahanka ee ah inuu koox cusub u wareego.

Waxaa hadda indhaha lagu hayaa haddii hadalladan kulul ay saameyn ku yeelan doonaan wada-xaajoodyada mustaqbalka Alvarez, iyadoo waqtiga suuqa kala iibsiga uu sii yaraanayo.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga