Halyeygii Man utd oo si kulul u dhaliilay laba xiddig oo Manchester United ah & bandhigii liitay ee kooxda..

Manchester United ayaa la kulantay guuldarro niyad-jab leh kadib markii Hull City ay 2-0 kaga adkaatay, waxaana bandhigga liita ee kooxda si weyn uga hadlay halyeeygii hore ee Red Devils, Peter Schmeichel.

Schmeichel ayaa si gaar ah farta ugu fiiqay daafacyada Patrick Dorgu iyo Ayden Heaven, isagoo ku eedeeyay inay qayb weyn ka qaateen khaladaadkii difaaca ee sababay goolkii koowaad ee Hull.

Goolka furitaanka waxaa dhaliyay Semi Ajayi, kaddib markii Manchester United ay si liidata u difaacday koorne. Schmeichel ayaa sheegay in Dorgu uu lumiyay feejignaantiisa xilligii koornaha, isagoo aan si wanaagsan ula socon waxa dhacaya.

Sidoo kale, Schmeichel wuxuu dhaliil u jeediyay Ayden Heaven, kaasoo uu sheegay inuu ku guuldarreystay inuu si adag ula dagaallamo weeraryahankii Hull ee kubadda dambe.

Halyeeyga reer Denmark ayaa tilmaamay in difaaca noocaas ah uu yahay mid aan la aqbali karin, gaar ahaan koox sida Manchester United oo doonaysa inay dib ugu soo laabato heerkii sare.

Hull ayaa goolka labaad dhalisay markii Nobel Mendy uu madax ku dhaliyay, taasoo Manchester United gelisay xaalad adag. Red Devils ayaana awoodi weyday inay ciyaarta dib ugu soo laabato.

Schmeichel, oo Manchester United kula guuleystay shan Premier League iyo Champions League-ga 1999, ayaa si cad u muujiyay sida uu uga xumaaday heerka difaaca kooxda.

Guuldarrada Hull waxay sidoo kale muujisay dhibaatooyin dhanka isku-duwidda iyo haliso feejignaanta ah, gaar ahaan marka Manchester United ay difaacayso kubbadaha set peices ka .

Ugu dambeyn, fariinta Schmeichel waa mid cad: ”Manchester United waa inay si weyn u hagaajisaa difaaceeda, haddii ay doonayso inay xilli ciyaareedkan gaarto natiijooyin wanaagsan”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga