Kooxda Espanyol ayaa si dadban u dhaliishay garsoorka kadib markii ay 2–1 kaga adkaatay Real Madrid ciyaartii ka tirsanayd wareegga 2-aad ee La Liga.
Real Madrid ayaa guusha heshay daqiiqaddii 90-aad, markii da’yarka cusub Carlos Espí uu dhaliyay goolka guusha.
Kadib ciyaarta, Espanyol ayaa boggeeda rasmiga ah ee X ku baahisay hadal ay si cad ugu duraysay garsoorka. Kooxdu waxay qortay:- “Imisa jeer ayuu qofku iska dhigi karaa inuu dhacay si uu u helo kaarka jaallaha ah ee labaad? Waxaan weydiinayaa saaxiib.”
¿A partir de cuántas piscinas se saca la segunda amarilla? Es para un amigo.
— RCD Espanyol de Barcelona (@RCDEspanyol) August 22, 2026
Hadalkan ayaa loo fasirtay inuu si gaar ah ugu socday Vinícius Júnior, kaas oo intii ciyaartu socotay gudaha xerada ganaaxa Espanyol ku dhacay, isagoo dalbaday rigoore.
Espanyol iyo taageerayaasheeda ayaa aaminsanaa in dhacdadaasi ahayd isku-day uu Vinícius ku raadinayay rigoore, waxayna sidoo kale ka caroodeen in ciyaaryahanka reer Brazil uusan helin kaarka jaallaha ah ee labaad.
Vinícius ayaa horey u qaatay kaar jaalle ah daqiiqaddii 31-aad, sidaas darteed haddii loo aqoonsan lahaa inuu si ula kac ah u jilay dhacdada, waxaa suuragal ahayd in laga saaro ciyaarta.
Arrintan ayaa dood cusub ka dhex abuurtay taageerayaasha labada koox, iyadoo Espanyol ay u muuqato inay aaminsan tahay in go’aannada garsoorku aysan si siman u saameyn labada dhinac.
Be the first to comment