Daawadayaasheena dunida ciyaaraha tube asc kuna dhawaada muuqaal cusub
Muuqaal ahaan waa nin gaaban lkn waa mid caqli badan oo mowhibad leh, waa nin dhagar badan, bandhigiisii uukaga hortagay Real madrid ayaa kaaga daliil ah inuu wiilkan weli yahay saaxir kubadeed, Muuqaalkan waxaan idinkugu soo turjumi doonaa Nolosha gaarka ee Marco Verrati Cishqigiisa Juventus, sida uu u ictiraafay inuu yahay gabar magaceedana layiraahdo Marta, Maxa loogu naaneysaa Jofito, Muxuu ku diiday kubiirista Real Madrid, sideese dagaal uga dhex holciyey kooxda Paris & Barcelona, intaa iyo kabadan waxaan wadajir ugu baran doonaa xubinteena xaqiiqooyinka xidigaha oo had & jeer aad uga barateen barteena Kooxda.com fadlan nala aqriso qormadan,

Waxa uu ku dhashay marco Verrati 5tii bishii November 1992 Magaalada Bescara ee wadanka taliyaaniga waxa uu nasab sadaa qoys dabaqadiisa meel dhexaadka aheyd, hoyadii waa lidi Crimoliz waxey aheyd guri joogto, & waalidkii Fabrizio Verrati waxa uu kubada cagta u ciyaaray qaar kamid ah kooxaha hoose lkn kuma guuleysan inuu gaaro meel halkaasi ka fog waxa uu go’aansaday inuu iscaslo oo uu ka shaqeeyo faryaamada , waqtiganna waa mid kamid ah raga ugu caansan alaabada guryaha wadanka taliyaaniga sababo caawinta maaliyeed canugiisa kadib caanimadii uu gaaray
waxa uu leeyahay verrati walaal kaweyn oo lagu magacaabo Stefano sida lamid ah waalidkii waxa uu ciyaaray kubada cagta lkn waxa uu ku fashilfay inuu horumar ka sameeyo waayihiisa si uu ugu jaheysto dhinaca beeraha ilaa uu gaaray heer sareeya sababo garab istaaga walaalkisa , xaqiiqada waxey tahay kufida & horumar la’aanta aabaha & walaalka kubad ahaan waxey ku riixay iney ku dhiirageliyaan ciyaarista kubada cagta yaraantiisa , gaar ahaan waxa uu lahaa mowhibad weyn oo keeni kareysay inuu ku guuleysto soo xeragelinta wixii iyaga dhaafay.
Yaraantiisa Marco waxa uu cishqi daran u hayey naadiga juventus & halyeeygooda depiero , marba hadii uu ku riyooday xirashada maaliyadda Sayidatul cajuuz, 8jirkiisii ayuu ku bilaabay cowska cagaaran, waxa lagu biiriyey naadi maxali aheyd oo lagu mgacaabayey mano Beli sanadkii 2000, halkaasi ayuu ku qaatay 6 sano oo muuqaal wanaagsan, si ay u go’aansato naadiga Bescara iney lawareegaan 2006 isagoo jira da’da 14 aad , waqtigaasi Verrati waxa uu u arkayey iney tahay talaabo wanaagsan oo u dhaweyneysa riyadiisa u ciyaarista sayidatul cajuuz, waxa uu isaga dambeeyey dayarada naadiga kahor inta aan lagu soo darin kooxda 1aad 2008,

Halkaasi waxa uu ku soo muujiyey bandhig wanaagsan mudo 4 xili ciyaareed ah waxa uu ka caawiyey iney usoo dalacaan kooxda 1aad xili ciyaareedkiisii ugu dambeeyey kadib markii uu usoo bandhigay qaab ciyaareed indha daraan dar leh , waqti uu sugayey iney soo farageliso Juventus si ay u afduubato laacibka , waxa soo muuqatay paris sant german waana ay guuleysatay qaadashadiisa , amaa caalami ahaan Verrati waxa uu matalay xulalka da’yarada taliyaaniga waxaana uu uciyaarayey xulka 1aad laga soo bilaabo sanadkii 2012ilaa laga soo gaaro maanta 2022 tiro 48 kulan oo caalami ah
Xidigan taliyaaniga ah dhamaan waayadiisa waxa uuku guuleystay 28 koob 27 kamid ah waa PSG , waaqica 7 jeer oo horyaalka faransiiska , koobka farance 6 jeer , si lamid lague Cup, lagu daray koobka superka maxaliga 8 jeer halka uuku guuleystay koobka Uero hi ugu dambeeyey oo uu la qaaday Azzuri italia, marka laga hadlaayo shaqsi ahaan waxa uu helay tiro dhowr abaal marin , waxaana ugu muhiimsan laacibka ugu fiican horyaalka heerka 2aad 2012 bartamaha Bescara , abaalmarinta laacibka ugu fiican ee da’da yar ee faransiiska 2014.
Verrati waxa uu xiriir jaceyl lasameeyey gabar taliyaaniga oo lagu mgacaabo lora zazaara , waxa ay isbarteen waqtigii yaraantooda , waxa ay daganeyd meel udhow guriga marco verrati , waxa u waqtiga socdaba waxa ay labadan galeen xiriir jaceel oo qaaraami ah , waxaana ay ugu yeertay naaneysta Jovitio waana kalmad taliyaani ah oo ka turjumeysa Puma-hi Yara, Waa Nooc kamidah Bisad oo lagu helo qeybo kamid ah mareykanka & Canada waxaana xajmi ahana ay udhowdahay xayawaanada libaaxa, Shabeelka si lamid ah harmacadka, Marco & Lora waxa ay isu dhaleen canugooda tomaso sanadkii 2014 kadibna canugooda 2aad Andrea 2016 kahor inta aysan kala tagin 2019,
Mana sugin waqti dheer ilaa uu galay calaaqad kale waana gabadha fashionka sameysa ee farance udhalatay oo lagu magacabao Jessica Edi waxa uu guursaday xili ciyaareedkii hore , Sida aan hore usheegnay Verrati waxa uu ku riyoonayey oo uu taageero u ahaa Juventus intii uu fara nuugayey waxaana uu riyoon jiray xirashada maaliyadda kooxda Juventus maalin maalmaha kamid ah, waana wixii uu udhawaaday inuu xaqiijiyo 2012 kadib markii uu wacdaro lasameeey Bescara islamarkaana kusoo hogaamiyey usoo bixida Calceo , waxa lasheegay iney Piancori isku dayday laacibka lwareegistiisa isla markaana 10 milyan usoo bandhigtay si loo dhameystiro heshiska , laacibka besckara waxey dalbatay in lakordhiyo dalabka waana wixii ay diiday kabiirada Torino si ay usoo farageliyo Sangermann kulana wareegto 12 milyan oo yuro .

xili ciyaareedkii 2017 Barcelona waxa ay doontay iney lawareegto laacibka lkn Santgerman waxa ay diiday iney kala hadlaan umuurta waxaana ay cadeysan in taliyaanigan uusan wadahadal ka furneyn lkn naadiga Catalonianka waxa ay ku adkeysaneysay keenida laacibka Camp Nou dariiqad kasta , waxa ay markale xiriir lasameysay wakiilka laacibka oo si daran ugu fur furnaa barcelona & in Verati lageeyo Cam Nou , halkan waalideeda ayaa qaraxday Paris laacibka waxa ay ku qasbeen inuu ceyriyo wakiilkiisa waxaana ayka dalbatay inuu iska halmaamo fikrada bixitaanka , si uu uga dhex holco dagaal lafo jibis ah labada naadi , waxey ku bilaabatay PSG iney bur buriso heshiiskii Neymar JR lagu daray isku daygii afduubka dembele , isku daygii afgambi ee Dejong , Barcelona oo isku dayday iney so celiso neymar, lkn Nasir alkhaleifi aakhirkii waxa uu go’aansaday inuu ku dhufto dhar baaxadii ugu weyneyd & soo qaadashadii Xavi Simons kadibna ku qancinta Messi inuu ku biiro PSG kadib markii uu fashilmay wadahadaladii cusbooneysiinta heshiiskiisa Barca .
Verrati waxa uu cishqi daran u hayaa inuu ku daabaco jirkiisa shaabadaha , waxa sawiradiisa ka arki kartaa iney jirkiisa ka buuxaan shaabado, mid kamid ah waxa uu xambaarsan yahay magaca canugiisa lagu daray dushiisa waana gacan casaan ah & kuwo kale, Muqaabilkeeda Verrati waxa uu ku caanbaxay nolosha tamashleynta isagoo ku waalan cabida sigaarka & dhafarka habeenkii & Howlihiisa, waana waxa ku riixay inbadan iney dhaleeceeyaan xujo ahaan asluubta noloshiisa iney tahay mid aan fiicaneyn & iney keeni kareyso dhaawacyo waana wixii uu ka jawaabay laacibka isagoo ku qowlaya :- ” Anaga waxaanahay Profishinal, lkn waxa nahay bini aadam waxaan u baahanahay raaxo & fasax maxa ka galay dhafarka dhaawacyada waa inleygula xisaabtamaa bandhigeyga garoonka , tusaale jug ayaa anqowga iga soo gaartay miyey sabab u tahay nolosheyda banaanka garoonka” .
Awoodiisa cajiibka ah waxa ay ku rixday dad badan iney amaanaan waxa ugu horeeya Spanishka Pep Guardiola isagoo leh :- ” aniga baan ujeclahay Verrati isagu waa laacib kasoo can kuwa kale , waan garanayaa shaqsiyadiisa waxa uu leeyahay wax uu ku suuragalinaya inaad ku tiirsanaatid dhisada kubada mar walba , waana garanayaa sida loo abuuro fursadaha & booska ugu fiican “
Ama Saaxiiibkiisa Neymarr waxa uu ka kayiri kadib kulankii wacdaraha dhiga ee real madrid :- ” Waan ogaa Verrati inuu yahay laacib cajiib ah lkn uma fiilneynin sidan inuu cajiib uyahay isagu waa cabqari waana mid kamid ah kuwa ugu fiican qadka dhexe ee aan la ciyaaray si lamid ah Xavi & Iniesta”,
Amaa Messi wxa uu ka yiri :- “Verrati wxa uu muujiyey inu yahay mid muuqda, & mid kamid ah kuwa ugu fiican caalamka booskiisa Barcelona ayaa aad u dooneysay lkn cagsiga ayaa dhacday aniga ayaa ugu imid Paris” ,

Sanadkii 2015 Laacibkan waxa uu hadaf u ahaa naadiga Real Madrid taasoo isku dayday iney lasoo wareegto waxa ay lakulantay diidmada Sant german, ay usoo noqoto markale 2016 markan Verrati nafsadiisa ayaa diidmo kajawaabay dalabka naadiga Malaki waxaana uu ka yiri :- “waa wax soo jiidasho leh iney idalbato naadi weyn sida Real madrid lkn waxaan go’aansaday inaan sii joogo PSG si aan ugu guuleysto koobka Champions league waan ka sii ciyaari doonaa ilaa aan awoodi waayo ciyaarista waliba idiido naadiga waqtigan maaha il birisiga munaasabka ah bixitaanka waxaan dareemayaa inaan qeyb ka ahay qoyskan & mashruucan weyn .
Sanadkii 2015 waxa hadal heyn badan ka dhalatay warar laga qoray Marco, iyadoo laga xiganayo Majalada France Football , waana in Verrati uu ictiraafay inuu yahay dumar balse uusan aheyn rag , magaceedana layiraahdo Marta , sida dad badan ogyihiin , waxa ay sheegtay majalada inuu taasi usameeyey si uu umuujiyo awoodiisa tayo & tan jir ahaaneed , mareegta waxa lagu qoray in warkan laga soo xigtay afka Verrati isagoo leh :- ” waa wax adag inaad ku qarisid sirtan waqti dheer bay’ad rag ah oo kubadda cagta ah madoonayo qofna inuu si layaab ah iifiiriyo , madaxa oo la xiirto & make up la’aan waa wax aad u adag , waana arin xanuun badan in gabadha ay weydo naag nimadeeda umuurtan maaha mid sahlan “

Xogta mareegta xigatay waxa ay sidoo kale sheegtay in PSG ayku garab istaagtay laacibka qadiyadiisa , sidoo kale waxa ay xigatay hadal uu jeediyey Zlatan Ibrahimovic kasoo uku leeyahay :- “laga yaabee inaga ineysan lama filaan nagu aheyn , tan & kusoobiiristiisa Paris Sant German, marco managula qabeysan qolka labiska waxaana kasoo baxayey waxyaabo yaab leh si kastaba ay ahato laga yaabee inuu marco noqdo gabadhii ugu horeysay ee loo sharaxo ku guuleysiga kubada dahabka.


hubaal qaar badan oo idinka mid ah wey maqleen waqtigaasi akhbaartan , si xoogan ayey wararkan ugu faafeen caalamka lkn waxa markii dambe lacadeeyey isla markaana ay ahaayeen kuwo aan waxba ka jirin markii dambena waxa lasheegay iney aheyd kaftan & sheeko ciyaar oo laga sameeyey laacibka lkn waxa ay ku sigatay in la rumeysto sida somalida tiraahdo ” Been Fakatay run Magaarto”
Be the first to comment